Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shir looga hadlayey Amniga guud ee Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa Wajiga 2-aad ee Dagaalka.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca dalka, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka, Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo Sarakiisha Hay’addaha Amniga.
Shirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii sidii loo dardar galin lahaa wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-Shabaab, kaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu kaga dhawaaqay Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Magaalada Xudur ee gobolka Bakool waxaa todobaadkii horay gaaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Koonfur Galbeed.