Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland Oo Kormeer Ku Tagay Xabsiga Dhexe Ee Degmada Kismaayo

408
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni ayaa maanta kormeer ku tagay Xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.
Wasiirka ayaa kormeerkan ugu kuurgalayey xaaladda Xabsiga dhexe iyo Maxaabiista ku jira Xabsiga, Waxaana Wasiirka uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo oo burbur uu ka muuqdo.
Taliyaha Xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo Maxamed Caaqib Xirsi oo Wasiirka kusoo dhaweeyey Saldhigga dhexe warbixin ka xaaladda Xabsiga.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac ayaa sheegay in wasaaraddu ay wax ka qaban doonto baahiyaha xabsiga ka jira, Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in la hirgelin doono Xabsi cusub.