Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud sayid oo kullan la qaatay maamulka degmada doolow

500
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir gudoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Maamulka Gobolka Gedo, kan degmada Doolow iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa ka ka warbixiyay Safar shaqo uu ku tagay Dowlada Deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa masuuliyiin uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shir uu la qaatay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cagjar iyo masuuliyiinta Magaalada Godey ee uu kulumada la soo qaatay.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaana sheegay in Masuuliyiinta Dowlad deegaanka Soomaalida uu kala hadlay amniga xuduudaha, iskaashiga dhinacyada hormarka, isku socodka bulshada iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha dowliga ah.