Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Gudoomiyaha UNECA H.E Antonio Pedro

501
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Gudoomiyaha UNECA H.E Antonio Pedro, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta UNECA ee Addis Ababa, iyadoo intii shirku socday uu Safiir Warfaa la wadaagay horumarada kala duwan ee ay Dawladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Dawlad wanaaga, sidoo kale masuulinta labada dhinac waxay ka wada hadleen oo isla garteen xoojinta wada shaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Danjire Warfaa waxaa kulanka kala qayb galay qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, isagoo madaxda ugu sarraysa UNECA ku adkeeyey inay sii laba jibaaraan wada shaqaynta iyo taageerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Dawladnimada Soomaaliya.