Ciidanka Dowladda Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo jab xoog leh gaarsiiyay Khawaarijta

409
Ciidanka Dowladda Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Weel-Maaroow oo 45 KM dhinaca Waqooyi Bari ka xiga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidanka ayaa howlgalkan ku dilay 30 dhagar qabe oo ka mid ah Khawaarijta naf la caariga ah ee Al Shabaab oo ay ku jiraan 6 horjoogeyaal sare ah.
Sidoo kale waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen gaari Caasi ah oo ay ka buuxaan Miinooyin ay Khawaarijtu doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.