Maxay ka wada hadleen labada Gole ee BFS

511

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada labada guddoomiye, ayaa maanta falanqayn ka yeeshay qaban qaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo furmaya 29-ka May.
Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa labada xoghaye ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan gacanta ku hayay isku dubaridka xafladda furitaanka labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.