Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socda Qatar.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka, wuxuuna Madaxweynaha Warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidanka tababarka u socda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Qaran aysan aheyn wax fudud oo muddo kooban lagu sameyn karo balse ay tahay shaqo qaadaneysa muddo dheer oo u baahan dedaal iyo juhdi badan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ayaa shalay Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani.