Kumanaan Qaxooti Suuriyaan ah oo laga daadgureeyay Suudaan.

682

Qaxooti u dhashay Dalka Suuriya oo ku noolaa Jamhuuriyadda Suudaan ayaa laga daadgureeyay Magaalada Khartuum kaddib markii colaadda u dhaxeysa labada Janan ee ku loolamaya awoodda maamul ee Dalkaas ay foodda is dareen 15kii April 2023.

Warbaahinta ka howlgasha Suudaan ayaa soo bandhigtay Sawirro iyo muuqaallo caddeynaya qulqulka Suuriyaankaan qaxootiga ah ee  ku noolaa waddankaan Carbeed ee dhaca Waqooyiga Qaarad weynta Afrika.

Markab nooca xamuulka qaada ayaa lagu daadgureeyay Dadkaan si naftooda looga badbaadiyo dagaallada ka socda Suudaan oo Ajaanib badan oo sidaas oo kale ku noolaa looga saaray maalmihii lasoo dhaafay.

In ka badan 30,000 (Soddon kun) oo Qaxooti Suuriyaan ah ayaa ku nool Jamhuuriyadda Suudaan, waxa ay soo gaareen sanadihii u dambeeyay kaddib markii dalkooda uu majaha la galay dagaallo sokeeye iyo kuwo kale.

Dadka la socda socdaalka soogalootiga ayaa sheegay in dagaalka sokeeye ee Suudaan uu sababay in qoysas badan oo markii horay dalkaas u doorbiday in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan midda dalalkooda in ay kasii baxeen.

Ajaanibta illaa haatan laga saaray Suudaan waxa ay u kala dhasheen Waddamada: Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Jabaan, Shiinaha, Suuriya, Falastiin, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo waddamo kale oo muwaadiniintooda ula cabsaday naftooda.