Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo Maalintii labaad galay

523

Shirka Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa maanta waxaa ku soo biiray saraakiil militeri oo ka socta, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya

Shirka Maanta ayaa waxaa shir guddoominaya wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac ).

Shirkii maanta ayaa diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howlgalka, kaas oo dhinacyadu ku gorfeeyeen sida uu noqon doono howlgalkan wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.