Shaybaar Qaabilsan Hubinta Badqabka Biyaha Oo Kismaayo Laga Hirgaliyey

556

Wasaaradda tamarta iyo biyaha Jubbaland ayaa magaaladda Kismaayo ka hirgalisay Shaybaar u gaar ah badhitaanka biyaha si wax looga ogaado tayada biyaha ay isticmaalaan bulshada ku dhaqan gudaha magaaladda Kismaayo iyo deegaanadda kale ee Jubbaland.
Madaxa xafiis tayeynta biyaha Maxamed Cali Cabdi oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in shaybaarkaan uu fududeeyey baadhitaanka lagu sameeyo biyaha oo markii hore meelo kale loo aadi jiray. Shaybaarkaan ayuu sheegay in awood u leeyahay dhinacyo badan in wax looga ogaado sida tayada biyaha,cudurada biyaha aan nadiifta ahayn laga qaado iyo waliba macdanta ku jirta biyaha oo mararka qaar waxyeelayn karta cafimaadka biyaha .

Shaybaarkan oo la hirgaliyey sanadkii aan soo dhaafnay 2022 ayaa hadda shaqaynaya mudo sided bilood ah,waxaana si joogta uga shaqeeya shan qof oo loo tababaray baadhitanka badqabka biyaha.

Dhismaha Shaybaarkaan waxaa hirgalintiisa ka caawisay wasaardda hay’adda GIZ,waxaana qalabaysay hay’ada IOM.