Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo heshiis la gaaray Wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Emarat-ka

521

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo hawlo shaqo u jooga magaalada Abu dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta iskaashi dhanka milatariga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixaxday dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta.

Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

Iskashigan ayaa kor u qaadayaa awoodda difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtiraayo Dalka Soomaaliya.