Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland gaartay Senator Ilhaan Cumar oo ka tisarn Golaha Congress-ka dalka Mareykanka, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.
Ilhan Cumar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad e Golaha Wakiillada Puntland Cabdicasiis C.llaahi Cismaan oo ay wehliyaan mas’uulyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka iyo dadweyne farabadan, waxayna ka mahadcelisay soo dhaweynta.
Sida uu qorshahu yahay Senator Ilhaan Cumar ayaa inta ay ku sugan tahay magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doontaa Madaxda ugu sareysa dowlad Goboleedka Puntland, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. 2018-kii ayey noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka.
Booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar ay ku timaado gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.