Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Tatarstan

593

Madaxweynaha Tatarstan Rustam Minnikhanov oo ka tirsan Federaalka Ruushka ayaa kulan sagootin ah u sameeyay wufuud ka kala socotay dalalka Islaamka oo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shir uga socday Caasimadda Kazan ee Tatarstan.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen horumarinta ciyaaraha gaar ahaan in tababarro la siiyo macalimiinta Soomaaliyeed ee xiriirrada kala duwan, waxaana wasiirka lagu sharfay inuu abaal-marin guddoonsiiyo qaar ka mid dhalinyarada dunida Islaamka ee wax ku soo kordhiyay bulshadooda.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, ayaa soo gabogabeeyay booqashada shaqo ee uu dalka Ruushka ku joogay, isagoo u mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay isaga