Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cambareeyay weerarkii Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ku qaaday hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyey.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si kulul uga hadlay weerarkii fuleynimada ahaa kooxaha Khawaarijta ah ay kuso qaadeen hotel Tawakal hayeeshee sidii ay damacsanaayeen aysan waxbo ugu hirgalin.
“Waxaan tacsi u dirayaa dadka aan waxba galabsan ee ku waxyeeloobay qaraxii maanta ka dhacay hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaas oo argagixisadu ay doonaysay inay ku layso dad badan oo shacab ah balse ay qaar badan oo dadweynahii goobta ku sugnaa ah ay soo badbaadiyeen Ciidamada amniga.
Waxaan u Hambalyaynayaa dhammaan Ciidamada kala duwan ee mudada koobaan kusoo afjaray weerarkii argagixisada anigoo Alle uga baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo dadkii ku shahiiday goobta si gaar ahna Ciidamadii ilaa daqiiqadahii u danbeeyay naftooda u hurayay sidii ay usoo badbaadin lahayeen dadka shacabka ahaa ee ku xayiraa dhismaha .
Waxaan ugu baaqaya dhammaan dadka Soomaaliyeed inay u duceeyaan shuhadada aan maanta ku waynay weerarka hotel Tawakal ayna u diyaar garoobaan sidii argagixisada hororka ah dalkeena aan uga cirib tiri lahayn” ayuu yiri Madaxweynuhu.