Kulan u socdo Xukuumadda Somaliland & Xisbiyada mucaaradka

581

Waxaa hadda Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somailand ee Magaalada Hargeysa uu kulan uga socdaa Xubno ka socda Xukuumadda Somailand oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha & Xisbiyada mucaaradka.

Kulanka oo uu shalay iclaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa Xisbiyada waxaa ka socda Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe iyo Xubno kale halka dhinaca WADANI ay u soo dirsadeen mid kamid ah guddoomiye kuxigeennada Xisbiga.

Kulanka ayaa waxaa uu yahay mid Xisbiyada iyo Xukuumadda ay uga tashanayaan banaanbaxa ay mucaaradka iclaamiyeen, xilli shalay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe uu sheegay in banaanbaxooda uu qabsoomi doono 11-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta Khamiista.