Man City Oo Rikoodh Ka Jabisay Suuqa Kala Iibsiga,

884

Kooxda Man City ayaa jabisay rikoodhka lacagta ugu badan ee ay ka samaysay iibka xiddigaha suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii ay ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore, Kooxda Pep Guardiola ayaa si weyn ugu mashquulsanayd suuqa kala iibsiga dhinaca iibka xiddigaha.

Kooxda Man City ayaa ilaa haatan samaysay 4 saxiix kuwaas oo kala ah Erling Haaland (51 milyan), Kalvin Phillips (42m milyan) iyo Stefan Ortega halka ay suuqii January ee bilowgii sanadka la soo wareegtay Julian Alvarez (14.2 milyan).

Sida laga soo xigtay The Sun, Man City ayaa iibisay xiddigo lacagtoodu ku kacayso 174 milyan oo euro iyada oo iska iibisay 10 xiddig suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddigaha ugu waaweyn ee ay Man City iska iibisay suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa kala  Raheem Sterling, Gabriel Jesus & Oleksandr Zinchenko kuwaas oo ku kala biiray kooxaha chelsea iyo Arsenal.

Dhinaca kale Kooxda Man City ayaa iska iibisay xiddigaha Gavin Bazunu, Romeo Lavia, Darko Gyabi, Ko Itakura, Arijanet Muric & CJ Egan Riley kuwaas oo ay kooxdu iska dirtay xagaagan.