
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay gobollada dalka.
Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.