Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Abaaraha oo Hay’adaha kala hadlaya Abaaraha

53

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Isu-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.

Xubnahaan ayaa Ergayga gaarka la wadaagay warbixinno la xariira xaaladda abaaraha ee dalka, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa u mahadceliyay xubnahaan, isagoo dhinaca kale boorriyay in ay wadashaqeyn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.