Ciidamada Mareykanka Ee Dib Ugu Soo Laabanaya Soomaaliya Oo Hal Arrin Looga Digay

817

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan ku dhawaaqay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya dhowr boqol Askari oo ka tirsan Ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya Ciidanka dowladda FederaalkaSoomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa looga digay inay dhibaato ama duqeymo u geystaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee kunool deegaanada Gobolada dalka.

Agaasimaha Gobolka ee Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa Ciidamada Mareykanka uga digay beegsiga shacabka, isagoo tilmaamay in arrintaas ay dhalaneyso carro iyo kalsooni darrada shacabka ee taageerada Mareykanka.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri Agaasimaha Gobolka ee Human Rights Watch.

HRW ayaa sidoo kale Mareykanka ka dalbatay kahor inta aysan Ciidamadooda dib ugu soo laaban gudaha Soomaaliya oo aysan bilaabin fulinta howlgalada Cirka ee ka dhanka Al-shabaab ay ka feejignaadan beegsiga dadka rayidka ee aan waxba galabsan.

Duqeymaha diyaaradeed ee Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaarkood dhibaato kasoo gaartaan dad shacab ah oo kunool deegaanada duqeymaha laga fuliyo, waxaana dhowr jeer oo horey Mareykanka duqeymo ku dileen dad shacab ah.