Madaxweynaha Jubbaland “Maanta laga bilaabo waa la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka Gedo”

762

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayd ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo  Madaxweynahu wuxuu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.