Dhageeyso-Warbixin Shacabka Kismaayo Oo Aragtidooda Ka Dhiibtay Sidda Ay U arkaan Doorashooyinka 16ka Kursi Ee Ceelwaaq Loo Wareejiyay

663

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka Heer federaal Ay Soo Saareen Warqad Doorashooyinka 16ka Kursi Ee Taalay Garbahaarey Laga Wareejiyay Loona Wareejiyay Ceelwaaq kadib markii Ay guddiga doorashooyinka Heer federaal cuskadeen Qodobo ay kamid Yihiin In laga Hor istaagay Guddiga Tagista Garbahaarey si ay Xaqiijiyaan Xaalada Amaanka Ee Degmadaasi.
Shacabka Kismaayo Oo la hadlay Codbaahiyaha Radio kismaayo Ayaa Soo Dhaweeyay Go’aanka Doorashada 16ka Kursi Loogu Wareejiyay Ceelwaaq Waxaana ay ku Baaqeen In la Dadajiyo Doorashooyinkaas Si aysan Ugu Harin Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka Oo Lagu Waddo Inay Dhacdo 27ka bishaan April.
Soomaaliya Oo muddo Badan Dood Iyo Isqabqabsi uu Kataagnaa Arimaha Doorasho Ayaa hadda gashay Marxalad Doorasho Iyadoo dalka Uu ka baxay Xaalada Hubanti La’aan Ee dhanka Doorashada