CABDIWALI NUUNE IBRAAHIM: BEDDELIDDA NOLOSHA MAXAABIISTA XUKUMAN EE KISMAAYO IYADOO LOO MARAYO WAXBARASHADA

902

Shaqada macalinka wanaagsan waa in uu dhiirigeliyaa ardayda oo uu ka caawiyaa in ay horumar ka gaaraan waxbarashada iyadoo hadafka ugu dambeeyna uu yahay in ey noqdaan xubno wax soo saar leh oo bulshada ka mida. Waxaa lagu doodi karaa in dadka lagu helay dambiyada oo lagu xukumay xabsi ay mudan yihiin in fiiro gaar ah looga yeesho arrintan.

Sida ay uu qabo Xeerarka Habka ugu yar ee Qaramada Midoobay ee la tacaalidda maxaabiista, waa in la siiyaa waxbarasho dheeraad ah dhammaan maxaabiista, iyada oo ay waajib tahay waxbaridda ummida iyo maxaabiista da’yarta ah.

Maadaama ay Soomaaliya ay dib u dhismeyso kadib tobannaan sano oo colaado iyo xasilooni darro ahayd, waxbarashada maxaabiista ma aysan aheyn mudnaan gaar ah marka loo eego mudnaanta kale ee horumarinta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee koonfurta dhaca ee Jubbaland, ayaa hal nin oo lagu magacaabo Cabdiweli Nuune Ibraahim – waxa uu isku dayayaa in uu wax ka beddelo Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Kismaayo, kaasi oo ku yaalla Bartamaha Magaalada, waxaana hadda ku xiran in ku dhow 100 maxbuus.

Si tabarrucaad ah, ayaa waxa uu u baraa qaar badan oo ka mida maaddooyinka sida  caadiga ah ardada loogu dhigo dalka oo dhan – tusaale ahaan, qoraal-akhriska, xisaabta, iyo cilmiga bulshada – in kasta oo laga yaabo in uu isla sidaas oo kale ku samayo fasalka dhabta ah ee nidaamka waxbarashada caadiga ah ee Jubaland.

Ka hor intaanu bilaabin hindisihiisa macallinimo, Md. Cabdiweli waxa kaaliye ka ahaa  maamulka xabsiga, shaqadiisa ayuuna ku dhexgalay maxaabiista.

“Waxaan la shaqeynayay ciidamada Asluubta ee Kismaayo, iyada oo la ii xilsaaray la socodka howlahooda maamul, sidaas darteed marar badan ayaan xabsiga booqday, kadibna waxa aan xiiseeyay inaan la hadlo maxaabiista – markii aan bartay oo aan ogaaday iyo sida ay halkan ku yimaadeen. Waxa kale oo aan ka war helay heerkooda akhris-qoraal,” ayuu yiri Md. Cabdiweli.

“Runtii ma fahmi karin in intooda badan ay ka marnaayeen waxbarashada aasaasiga ah, markaas ayay maskaxdayda ku soo dhacday rabitaanka ah inaan bilaabo barnaamijyada wax-baridda maxaabiista,” ayuu raaciyay.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, marka laga soo tago shaqadiisii caadiga ahayd ee uu todobaadkii shan maalmood ka shaqeeyo xabsiga, Mudane Cabdiweli waxa kale oo uu casharro soo siiyay celcelis ahaan 70 maxbuus asbuucii. Dadaalkiisa ka hor, maxaabiista intooda badan lama siinin wax hawlo waxbarasho oo ceynkaa ah, iskaba daa barnaamijyo xirfadeed iyo dhaqan celin’e.

27-jirkan ayaa si qoto dheer u aaminsan in dadaalkiisu uu faa’iido fog u yeelan doono maxaabiista laftooda, iyo  xitaa sidoo kale dadka deegaanka iyo guud ahaan Soomaaliya marka uu xukunkooda dhammaado.

“Tababbarradan ayaa lagu samayn karaa fikrado iyo aragtiyo gaar ah. Tusaale ahaan, haddii qof dambi galay aan la dhaqan celin ama aan loo tababbarin in uu ogaado oo uu fahmo in waxa uu sameeyay ay khalad ahaayeen, kadib marka qofka la sii daayo waxaa jireysa suurtagalnimo kasta oo qofkaasi uu dib ugu laabanayo isla dhaqan dambiyeedka, “ayuu yiri, Md. Cabdiweli.

“In kasta oo aanan ahayn khabiir cilmu-nafsiga, waxaan inta badan la kulmaa maxaabiista tiiraanyoobay, waxaanan ku dhiirigeliyaa inay yimaadaan xiisado oo ay waqtigooda xabsiga ka dhigaan mid wax soo saar leh,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in diirad-saaridda waxbarashada iyo wanaajinta naftooda ay u soo muuqatay inay caawiso maxaabiista noocaas ah.

Haddii si kale loo dhigo, Mudane Cabdiweli ku soo laabashadiisa waxbarida ma ahayn mid lama filaan ah.

Wuxuu ku dhashay 1995-kii degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo daris la ah Jubaland. Wuxuu ku koray magaalada Doolow Caddo, oo u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasoo qoyskiisu ay ku noolaayeen dhammaan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya. Halkaas ayuu ku galay dugsiga hoose dhexe iyo sare.

2016-kii, Mudane Cabdiweli waxa uu u soo guuray caasimadda KMG ah ee Jubaland ee Kismaayo, wuxuuna 2018 ka qaatay shahaadada Diploma ee waxbarashada kulleejka tababarka macallimiinta Jubaland, oo ku yaalla magaalada.

Ka dib markii uu qalinjebiyey horaantii 2018, waxa uu muddo kooban wax ka dhigay dugsiga hoose ee Xaawo Taako ee magaalada Kismaayo ka hor inta uusan ku biirin xabsiga dhexe ee magaalada oo uu ka ahaa kaaliye. Waxa uu ka tagay macalinimo si uu xirfad ugu yeesho ciidamada asluubta ee Dowladda  Xubinta ka ah Federaalka, isaga oo aaminsan in uu sidoo kale saameyn togan ku yeelan karo halkaas, gaar ahaan marka la eego taageerada dadaalka lagu xoojinayo sharciga.

Mudane Cabdiweli waxa uu sameeyo ayuu qabtaa isaga oo aan taageero rasmi ah helin. Maamulka deegaanka ayaan awoodin in uu taageero maadaama aysan jirin miisaaniyad dowladeed oo loogu talagalay barnaamijyada dhaqancelinta, weliba wax taageero ah kama helo hay’adaha aan dowliga ahayn.

Taas beddelkeeda, waxa uu ilaa hadda ku tiirsan yahay saaxiibbada iyo dadka wanaagga jecel ee ku tabaruca agabka qoraalka iyo wax-akhrinta, iyadoo ay u dheer tahay in uu dhaqaalihiisa u isticmaalo si uu u iibsiyo agab kale.

Markii hore, qoyska iyo saaxiibbadii Md. Cabdiweli waxa ay ka walwalsanaayeen dadaalladiisa, iyaga oo inta badan weydiinayey sababta uu si fudud ugu sii wadi kari waayey wax ka dhigista dugsiyada deegaanka. Waxay ka walwalsanaayeen in waqtiga uu la qaatay dembiilayaasha la xukumay uu halis gelin doono, laakiin hab-dhaqankan ayaa ugu dambeyntii isbeddelay, maadaama ay si fiican u fahmeen ballanqaadkiisa oo ay arkeen natiijada dadaalkiisa adag.

“Waxaan ka adkaaday shakigii ka imaanayay asxaabta iyo xigaallada kuwaasoo ku gacanseyray fikradayda ahayd inaan wax ku soo celiyo bulshadayda – maalmahan, markaan magaalada joogo, dadku waxay iigu yeeraan ‘macallin’ meel kasta oo aan tago, xitaa marka aan raaco gaadiidka dadweynaha,” ayuu yiri Md. Cabdiweli.

Fursado Cusub

Maxaabiis badan oo uu Mudane Cabdiweli wax baray waxaa ka mid ah Afrax Cali Cabdi oo 35 jir ah, kaas oo 18 bilood oo uu xabsiga ku jiray bartay sida loo akhriyo iyo sida loo qoro.

“Afrax waxa uu ahaa arday ku wanaagsan xabsiga, waxa uu u hamuun qabay in uu wax barto. Haddii si kale loo dhigo, isaga, xabsigu waxa uu u ahaa barako qarsoon maadaama uu ka soo baxay isagoo ka wanaagsan sidii uu ahaa xariggiisa ka hor inkasta oo ay caqabado ka jireen xabsiga,” ayuu yiri M. Cabdiweli.

Hadda oo uu ku soo laabtay bulshada uu ka soo jeedo ee Kismaayo, Mudane Afrax wuxuu xirfaddiisa cusub ee uu u uga shaqeeyaa bakhaar shirkad maxalli ah.

“Uma malaynayo inaan fursadan heli lahaa haddaan xabsiga wax ku baran lahayn, casharadii aan ku qaatay xabsiga ayaa ii suurtageliya inaan furo awoodayda, maantana waxaan ilaaliyaa diiwaanka bakhaarka,” Md. Afrax ayaa yiri, isagoo raaciyay, “Md. . Cabdiweli waxa uu waqtigiisa iyo xooggiisa geliyay si uu wax uga bedelo xaaladeenna oo aanu u noqono muwaadiniin wax soo saar leh.”

Md. Cabdiweli waxa uu sheegay in ay jiraan maxaabiis badan oo hadda la sii daayay oo shaqooyin macna leh ka haya deegaannadooda sida ardaygiisii ​​hore ee Afrax, ayna yihiin sheekooyin horumar iyo horusocod ah oo sidoo kale isaga dhiirigeliya.

“Qaar ka mid ah ardaydeenii hore kaliya uma aysan tagin inay helaan shaqooyin xasilloon oo ay la heshiiyaan qoysaskooda, xitaa waxay bilaabeen ganacsigooda,” ayuu xusay.

Hadday noqoto dugsiyada caadiga ah iyo haddii ay tahay xabsiyada dalka, wuxuu aaminsan yahay in walaalihiisa Soomaaliyeed la siiyo waxbarasho – iyadoo aan loo eegin asalkooda – ay tahay hab toos ah oo saamayn ku yeelan kara heer bulsho iyo heer qaran.

“Soomaaliya maanta waxaa ku sugan arday aad u badan oo u heellan inay wax bartaan oo wax baraan walaalahooda Soomaaliyeed, inkastoo aysan abid soo arag dowlad shaqeysa noloshooda oo dhan, taasoo laftirkeeda muujineyso inuu jiro fac Soomaaliyeed oo awood u leh inay Soomaaliya ku bedelaan waxbarashada” ayuu yiri Mudane Cabdiweli.

Mahadcelin

Shaqaalaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa aad uga mahadcelinaya dadaalka mudane Cabdiweli, mana laha wax aan ahayn ammaan. Waxay sheegeen in faa’iidooyinka waxbariddu ay ka gudubtay maxaabiista.

“Waxbariddiisa ayaa ka caawisay in ay wadashaqayn ka dhex bilaabatomaxaabiista; hadda way is-dhexgalaan oo way wada hadlaan taas oo aan ahayn arrin jirtay ka hor intii aanu Md. Cabdiweli soo dhexgelin. Xataa xiriirkii aan la lahayn maxaabiista ayaa si la taaban karo isu bedelay, iyadoo maxaabiistu ay hadda mashquul ku yihiin oo ay diiradda saaraan ogaanshaha ku mahadinta dadaalkiisa,” ayuu yiri Taliye-goboleedka Ciidanka Asluubta ee magaalada Kismaayo, Maxamed Caaqib Xirsi.

“Inkasta oo uu ku dhibtoonayo inuu casharro bixiyo isagoon haysan qalab aasaasi ah, xitaa projector, iska daayee agabka kale ee lagu tababaro maxaabiista, wuxuu isku dayaa inuu wax kasta oo uu awoodo uu nagula caawiyo xabsiga – aad ayaan uga mahadcelin lahayn haddii aan tababar iyo agab waxbarasho u heli karni lahayn barnaamijka,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Maxamed.

Mudane Cabdiweli waxa uu ka mid ahaa 20 ka tirsan shaqaalaha xabsiga oo ka qayb galay laba koorso oo isku xigta oo lagu kobcinayo awooda maamulka Jubaland sanadka 2021. Koorsooyinka oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa ku saabsanaa hoggaanka iyo maaraynta, oo ay ka mid yihiin xasarado, laguna baranayay maadooyin. ay ku jiraan maareynta amniga iyo heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

“Horey, waxa ay maxaabiista ilaalinayay rag hubaysan kaliya si aanay xabsiga uga baxsan; ma jirin wax aqoon ah oo ku saabsan sida loo maareeyo maxaabiista, waxa ay yihiin xuquuqdooda iyo waajibaadkooda. Hadda way ka war hayaan sida loo maareeyo maxbuuska, waxaanan u baahannahay tababarro badan oo noocan oo kale ah,” ayuu yiri Md. Maxamed.

Dadaalka Mudane Cabdiweli waxaa la sii aqoonsaday sanadka 2021 isagoo loo doortay inuu ka qeyb galo tababar ay Qaramada Midoobay taageerto oo ku saabsan shuruucda qaranka iyo halbeegyada caalamiga ah ee hubinta badbaadada iyo amniga maxaabiista, iyo sidoo kale sida bini’aadannimada leh ee loola dhaqmo inta ay xabsiga ku jiraan.

“Tan iyo markii Md. Cabdiweli uu ku soo biiray xabsiga, xaaladda xabsigu waa ay soo hagaagtay, iyo xitaa isku xirka xabsiga iyo Qaramada Midoobay ee ku sugan Kismaayo, waxaana sii wadi doonnaa wadashaqeynta dib u soo cusboonaatay ee aan la leennahay saraakiisha ciidamada Asluubta ee xabsiga dhexe ee Kismaayo,” ayay tiri Agnes Rebecca Gabu, oo ah sarkaal ka tirsan Dhaqan-toosinta UNSOM oo fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo taasoo tababaro siinaysay macalinka samafalaha ah iyo shaqaalaha kale ee xabsiga.

“Waxaa jira horumar la taaban karo oo laga gaaray heerka wax-akhris-qoris ee maxaabiista,” ayay ku dartay.

UNSOM waxa ay taageereysaa hadafka Qorshaha Horumarinta Qaranka ee dalka ee an in la dhiso hay’ado cadaaladeed oo madaxbannaan, lala xisaabtami karo, waxtarna leh, oo awooda wax-ka-qabashada baahiyaha cadaaladeed ee dadka Soomaaliyeed. Waxa uu tan qabtaa  iyada loo marayo xirfadaynta Ciidankooda Asluubta, samaynta xarumo dhaqan-toosin ee ku shaqeeya si waafaqsan shuruucda qaranka iyo hababka caalamiga ah, iyo horumarinta qaab-dhismeed sharci oo midaysan.

Isha: UNSOM