Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Cakiran Ee Soomaaliya

879

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa War saxaafadeedka kasoo saaray xaaladda cakiran ee Soomaaliya, Waxaana madaxda Soomaaliya ay ugu baaqeen inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonidaā€¯

Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu baahan yahay kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana laguna soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.