Qoys oo kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland ayaa soo gaaray duleedka Kismaayo.

1036

Xilli abaaraha ka jira qeybo ka tirsan Jubbaland ay saameyn ku yeesheen dadka iyo duunyada ayaa waxaa soo gaaray deegaanada dhanka galbeed kaga began Kismaayo qoysas kasoo barakacay abaaraha.

Qoysaskan oo gaaraya ilaa 100 qoys ayaa kusoo xoolo beelay abaaraha ku dhuftray gobolka J/hoose, waxa ayna isaga kala yimaadeen deegaannada ku yaal galbeedka gobolka ee hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow.

Dadkan barakacayaasha ah ayaa hadda ku sugan Xero barakac oo ku taal duleedka Kismaayo, halkaasoo ay ku dhibaateeysanyihiin, waxyaalaha ugu daran ee ay ka cabanayaan ayaa ah nolol maalmeedkooda, ayagoo sheegay in aysan heeysan wax ay cunaan iyo wax cabaan midna.

Waa kuwan iyaga oo ka sheekeynaya xaalkooda.

 

wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha jubbaland bishaar aadan oo kamid ahaa masuuliyiin kormeer ugu tagay qoysaskan kasoo barakacay abaaraha ayaa sheegay in dadkani ay ka muuqata dhibaatada ay ku reebtay abaarta, ayna u baahanyihiin in si deg-deg ah loo kaalmeeyo, wuxuuna ugu baaqay dowladda, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeedba in ay gurmad u fidiyaan walaalahooda ay saameeysay abaarta.

 

Niciimo Ibraahim Yuusuf oo hore uga mid ahayd aqalka sare ee baarlamanka dalka, kana mid ahayd masuuliyiintii booqday dadkan ay abaaruhu soo barakiciyeen ayaa ku baaqday in si deg-deg ah gurmad loogu fidiyo qoysaskan ay saameeyeen abaaraha, ayadoo sheegtay in dadkani ay yihiin kuwo ay aad u liidato xaaladooda dhinaca nolosha.

 

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa deegaannada Jubbaland ka jiray abaaro saameeyay dadka iyo duunyada, ayadoo ay ugu darantahay gobollada J/hoose iyo J/dhexe oo qoysaska ku nooli ay dhaqdaan lo’da, waxaana lagu soo waramayaa in xoolo u badan lo’da in ay ku le’deen abaaraha ku dhuftay Jubbaland.

Dhawaan qeybo ka tirsan gobolka J/hoose waxaa ku hoortay raxmaddii Eebbe taasoo wax badan ka tartay baahidii biyo la’aaneed ee haysatay xoolo dhaqatada, balse roobabkani ma ahan kuwo ku filan in ay daboolaan baahida qoysaska ay saameeyeen abaaraha oo u baahan kaalmo bini’aadanimo si ay uga soo kabtaan dhibaatada ay ku reebtay abaarta.