Wasaaradda Cadaallada Jubbaland oo saraakiisha xabsiyada u qabatay Tababar

909

Wasaradda cadalaada awqaafta iyo arimaha diinta jubbaland oo soo qaban qaabisay tababar kusaabsan hogaaminta iyo maamulida xabsiyada uqabatay sarakiisha xabsiyada magalada kismayo
Tababarka ayaa looqabtay saraakiil tiradoodu gaarayso 13 oo ah ciidanka asluubta
Waxaana tababarka wasaradda kacaawisay UNSOM , iyadoona tababarka uu furay wasiirka cadaalada Maxamed Yuusuf Cumar ,wuxuuna socon doonaa 3 maalin

Taliyaha xabsiga dhexe ee magalada kismayo Maxamed carab xirsi ayaa ugu horeyn sharaxaad kabixiyay muhiimada tababarkaan uleeyahay saraakiisha isagoona sheegay in saraakiishu casharada ay fa,ideysanayaan kudaba qaan shaqadooda
Madaxa xabsiyada ee wasaradda cadalaa Sharmake Abshir Maxamed oo kamid ahaa goob joogayaasha tababarka ayaa isagna dhankiisa saraakiisha kula dardaarmay in ay kordhiyaan aqoon tooda ku,adaan sharciga

Wasiirka cadaalada Maxamed Yuusuf Cumar ayaa xusay duruufaha aya kushaqaynayaan ciidanka asluubta wasaradduna ay ogtahay iyadoona saraakiisha ay xil iska saran barashada iyo aqoonta laxariirta sareynta sharciga