CANADA OO SHEEGTAY IN AY QAADANAYSO QAXOOTI SOOMAALIYEED

947

Dowladda Canada ayaa sheegtay, in ay dib u-dejin u samaynayso in ka badan 240 Qaxooti ah oo sharci la’aan ku haysato waddanka Australia.

 

Qaxootigan oo u badan Soomaali, ayaa ku dayacan gudaha Australia iyo jasiiradda Papua new guinea, kadib markii dowladda Australia u diiday in ay aqoonsi siiso.

 

Dowladda Canada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, ayaa sheegtay in ay qaabilayso dhammaan Qaxootigaas sharci la’aanta ku ah Australia.

 

Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia.

 

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa hada waxa ay ku nool yihiin dalka Canada iyadoo ay hada dalkaas ka hayaan shaooyin sar-sare sanad walba gudaha canada waxaa gala boqollal qaxoonti africaan ah kuwaas oo magan gelyo u doonta dalkaas.