
Taliska Booliska Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro cusub oo ku socda gaadiidleyda ka shaqeeya halkaas iyo dadka sida sharci darrada ah hubka u heysta.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cadaado Cabdullaahi Cabdi Daahir ayaa waxaa dhammaan gaadiidleyda miyaaradaha madow leh inay iska diiwaan geliyaan Saldhiga Booliska Magaaladaas.
Amarkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu hubiy amniga Magaalada, isla markaana waxaa gaadiidleyda la faray inay isku diiwaan-geliyaan muddo saddex maalmood gudahood.
Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada ugu amniga wanaagsan Gobolka Galgaduud, waxana ku sugan Ciidamo isugu jira, Millateri Boolis & Nabadsugid, kuwaas oo amniga ilaaliya.