Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimid hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka

625

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caddeeyay mowqifkeediisa ku aadan magacaabista Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo ee Golaha adeega Garsoorka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska cabdi Xaashi ayaa waxaa uu sharci darro ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee 7-da xubnood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka KMG ah ee dalka.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in 22-kii Bishii November 2020 Golaha Shacabka ee Baarlamaanka usoo diray Aqalka Sare Qararka uu ansixiyay 7 xubnood oo kamid noqnaya Golaha Adeega, kuna jiraan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Xeer ilaaliya guud.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ugu baaqay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Xukuumada in ay joojiyaan ku xad-gudubka qodobada dastuuriga inta laga dhisayo Hay’addo dastuuri ah oo cusub.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi  Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu caddeeyay qaabka ay tahay in loo maro dhismaha xubnaha Golaha adeega Garsoorka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi.