Jaamacadda Carabta Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Somalia Farriina Dirtay

829

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya iyo is marin waaga ka jira doorashada dalka ka dhaceysa, xili uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay si dhow u socdaan xaaladd Soomaaliya, iyagoona sheegay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada 20

Sidoo kale Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta qeybaha siyaasadda ee Soomaliya inay dib u bilaabaan wada-hadalalda ku aadan sidii loo gaari lahaa doorash loo dhan yahay oo ka dhacda Guud ahaan dalka Soomaliya.

Ugu dambeyn Ururka Jaamacada Carabta ayaa soo dhaweeyay shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo, isla markaana ay taageerayaan sidii ay u gaari lahaayeen xal waara oo isku heynaya Midnimada Soomaaliya.

Wakan kasoo baxay Ururka Jaamacada Carabta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli an xal laga gaarin arrimaah doorashooyinka Soomaaliya, isla markaana dhawaan la qabanayo shir wadatashi ah oo looga hadlayo sidii loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay