Dhageeyso: Soomaali lagu laayay Koonfur Africa iyo Warbixin ku saabsan xaaladda Soomaalida dalkaasi ku nool

786

Magaalooyin iyo tuulooyin ka tirsan  dalka South Afrika waxaa dilal kala duwan loogu qeystay 48-kii saac aynu soo dhaafnay dhalinyaro Soomaaliyeed  oo wadankaasi u tagay in ay ka shaqeystaan si ay u helaan nolol wanaagsan

Deegaanno hoostaga magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape waxaa shalay subax lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed halka dhaawac  loogu geestay wiil la dhashay muwaadinka la dilay kaa oo hadda lagu daweeynayo isbitaal kuyaala magaalada.

 

Waxaa sidoo kale xalay deegaanka Injooli ee magaalada Port Elizabeth lagu dilay labo muwaadin oo Soomaali ah kadib markii lagu weeraray goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen,   Magaalada Cape Town ayaa sidoo kale lagu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed kadib markii kooxo burcad ah ugu tageen goobtiisa ganacsi kadibna ku dhax dileen. Sida uu inoo xaqiijiyay Cabdinuur Jaamac Xalane (Jookar) oo kamid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koonfur Africa

Inta badan Dableyda dilalka u geysta dhalinyarada Soomaalida ee ku ganacsada wadaankaasi koofur Africa ayaa  goobaha ay wax ku dilaan ka baxsada , Booliska ayaana sheega iney sameeynayaan  baaritaanno arrinkaa la xiriira, iyadoo natiijo la aan ay inta badan kusoo dhamaadaan baritaannada booliska  sida uu ku waramay markale cabdi nuur jookar

Inta badan dilalka ka dhaca Koonfur Afrika ee loo geysto Soomaalida, ma ahan kuwa lasii hadal qaado, mana jirto cid isku hawsha iney wax ka qabato Dhacdooyinka dilalka iyo dhaca ah ee loogu geesto koofur Africa  dhalin yarada soomalida iyo dadk kale ee aan wadaankaasi u dhalan ee dalkaasi kun gacansada

Hoos ka dhageeyso Wareeysi  ku saabsan xaaladda Soomaalida ku nool Koonfur Afrika.