Beesha Caalamka Oo Ka Digtay Dib U Dhac Ku Yimaada Shirka 15-Ka Febraayo

351

Beesha Caalamka ee saaxiibada taageera Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirkii uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheeyay in 15-ka bishaan Febraayo ka dhaco Magaalada Garoowe, Shirkaas oo lagu dhameystirayo hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in aysan aaminsaneyn su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedka, iyagoona Madaxda ku booriyay  inay ku wada-shaqeeyaan niyad wax lagu dhisayo, kana digay dib u dhac ku yimaada Shirka

Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.

Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya