
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedku ka dhammaaday ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inay ku yeeshaan Xarunta Villa Hrageysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin uu Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u jeedin doono Golaha, isagoona uga hadli doona waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goorsii horeysay loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana kasoo qeyb galaan, si ay u dhageystaan Warbixinta uu jeedin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.
Isniintii todobaadkaan ayaa qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaaraha uu hortago Golaha Shacbaka, balse ay Xildhibaannada diideen, iyaga oo sheegay inay tahay in fursad loo siiyo inays oo akhristaan Warbixinta loo qeybiyay ee ku saabsan waxqabadkii boqolka (100-ka) maalmood ee Xukuumadda.