Musharaxiinta Oo Shaaciye In Farmaajo Aysan U Aqoonsaneyn Madaxweyne

760

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in wixii ka dambeeya 8 bishaan February 2021 aysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweynaha dowladda Federaalka, kadib markii xalay uu ku ekaa muddo xileedkiisa dastuuriga ahaa ee afarta sanno.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda, sidoo kalena uu ku fashilmay hirgelinta heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii September 2020.

“Laga bilaabo 8 February 2021 Golaha Midowga Musharaxiinta uma aqoonsana Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Goluhu wuxuu ka soo horjeedaa muddo kororsi” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Waxaa ay ugu baqeen Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaadatay in uu u hoggaansamo sharciga iyo dastuurka si uusan u lumin xaqa dastuuriga ah ee uu leeyahay taas oo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ugu baaqeen hay’adaah Amniga dowladda Federaalka inay ilaliyaan sharciga, iyaga oo uga digay inay kasii amar qaataan shaqsiyaad uu mudada xilheyntooda uu dhamaaday, waxaana ay ka dalbadeen Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka inay taageeraan dalabka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Qoraalkan kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku egyahay Maanta, isla markaana weli wax heshiis ah aan laga gaarin arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.