Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Madaxda DFS Iyo M/Goboleedyada Oo Furmaya

633

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasiamadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa inuu Maanta si rasmi ah uga furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ay socoto qaban-qaabadiisa.

Shirkaan ayaa lagu waday inuu xalay furmo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana la filayaa inuu barqada Maanta furmo, isla markaana waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xal u helida caqabadaha hortaagan doorashada oo ay ugu weyn tahay arrinta Maamulka Jubbaland, iyadoona la filayo in arrintaas iyo kuwo kalena xal laga gaaro.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.