Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka Dhuusamareeb ka furmay

703

Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay shirka ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Qoraal kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalmaka ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan shirkaasi, waxaana madaxda halkaasi ku kulansan ay ku boorriyeen in ay sii wadaan wada xaajoodka, waxaana intaas ay ku dareen in la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo tiro laba jeer ah furitankiisa uu dib u dhacay.