Wasiirka warfaafinta Galmudug oo shaaciyey in shirka uu furmayo saacadaha soo socda.

766

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaan ka waraysanay shirka manta ka furmaya magaalada iyo ilaa hadda madaxda soo gaadhay.

Wasiirka ayaa Radio Kismaayo u sheegay in shirka laga yaabo in uu furmo ilaa caaw waxaana uu sabab uga dhigay in aan wali madaxda dowlad goboleedyada qaar ka mida aysan soo gaadhin madasha shirka.

Axmed Shire Falagle ayaa xusay ilaa caawa la filaayo in ay bilowdaan shirka loo balansan yahay ee looga hadlaayo arimaha doorashada soomaaliya.