Madaxwaynaha Jubbaland oo u safray Dhuusamareeb.

732

Madaxwaynaha Jubbaland iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa u Ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb oo manta uu ka furmaayo shir looga arinsano sidii dalka ay uga dhicilahayd doorashada soo socota 2021.

Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed  Islaam ayaa safarka uu ku tagaayo Dhuusamareeb waxaa ku waheliya  xubno ka tirsan labada Gole ee dowlad goboleedka Jubbaland,sidoo kale waxaa saaka magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka soo ambabaxay madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni.

Shalay galinkii danbe waxaa Dhuusamareeb gaadhay Madaxwaynaha dowlad federaalka Somaaliya Maxamd Cabdullahi farmaajo iyo qaar ka mida madaxda dowaladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Kulan hordhac ayey xalay magaalada Dhusamareeb ku yeesheen madaxwaynaha Jumhuuriyada Federaalka Soomaaliya,R’salwasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed xussien Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada Konfurgalbeed,Hirshabeele iyo Galmudug oo marti galinaysa shirka looga arinsano arimaha doorashada Somaaliya oo mudo  uu ka taagna khilaaf xoogan.