
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabd Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ahna hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.
Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi uu booqday Shariifka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan.
Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo siwen isugu hayaan Guddoomiye Xaashi iyo dowladda Federaalk
Xogaha laga helay kulanka ayaa sheegay in labada mas’uul ay siweyn uga hadleen arrimo la xiriira doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya gobolada Waqooyi.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay qoraal uu u diray Madaxweynaha Galmudug waxaa uu ogeeysiiyay in uu tegaya Dhuusamareeb si u shirka uga qye-galyo, hayeeshee warar soo baxayay ay sheegayeen in aan la siin wax jawaab ah maadaama aan lagu casuumin