Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Degay Garoonka Dhuusamareeb

769

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo wafdi uu hoggaaminayaay, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka oo gelinka dambe ee Maanta la qorsheeyay inuu furmi doono.

Wafdiag Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada