Galmudug Oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Weerar Ku Qaaday Dhuusamareeb

846

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 15-aad ee qeybta 21aad iyo Ciidanka Gor-Gorqeybta ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii xalay weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Magaalada Dhuusmareeb, waxaana la sheegay in intii uu howgalka socday uu dagaal kooban dhex-maray ciidamada dowladda & Xubno ka tirsan AL-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in ragga dilay uu ku jiray Sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, waa sida hadalka loo dhigay, sidoo kalena soo bandhigay Meydiisa.

Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qaroow ayaa sheegay in Nin kale oo kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday la qabtay, isaga oo dhaawac ah, ayna qabsadeen hub nooca fudud.