Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo manta looga hadlay qodobo xaas xaasiya.

777

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta oo Isniin ah shir-gudoomiyay kulanka bilaha ah ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Golaha Xukuumada ee Amniga katirsan, Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa Nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada iyo udiyaargarowga nabadgalyada dorashooyinka dhawaan la filaayo in ay qabsoonto.

Dhanka kale, Maxamuud Sayyid Aaden ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka  geeryoodeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa Alle u weydiiyey, inuu Janada geeyo intii ku  dhimatay weerarkii ka dhacay Caasimadda dalka Muqdisho, halka kuwii ku dhaawacmayna uu Caafimaad deg deg ah u rajeeyay.