Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb

752

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubno kale, waxaana Madaxweynaha ku wehlinayay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kal

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka la filayo in Caawa Dhuusamareeb uga furmo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goorsii horey oo Maanta ah gaaray Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ku wajahan Madaxweyaha Jubbaland oo isla lagu wado uu tego halkaas.