
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Goordhow War kasoo saaray Shirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu soo dhaweeyay Shirka wadatashiga ee Madaxweynaha uu isugu yeeray Madaxda maamulada oo maalinta berri ka furmi doona Magaalada Dhuusamareeb, loogana hadli doono khilaafka doorashada.
Qaramada Midoobay ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ku boorisay inay shirkaas ay ku gaaraan heshiis isku tanaasul ah, isla markaana si deg deg ah loogu fuliyo heshiiskii horey looga gaaray doorashada 17-kii Sebtember.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa horay waxaa loogu qabtay shirar looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo aan la dhaqan gelin qodobadii lagu heshiiyay.