
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay sheegayna inay ka qeyb-galayaan shirkii uu xalay iclaamiyay in uu Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in markii hore Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in shirkaasi la qabto, welina ay diyaar u yihiin qabsoomida shirka u dhaxeeya madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.
Sidoo kale Wasiir Cabdi Xuseen ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaari doono qodobada la isku haayo ee kala ah arrinta Guddiga doorashooyinka, Gobolka Gedo iyo Arrinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyo sidii loo furin lahaa heshiiskii horey loo gaaray.
Isaga sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayuu sheegay in diidmada dowladda Federaalka ee Guddiga doorashada ay magacaabeen u arkaan muddo kororsi dowladda dooneyso in caqabadihii maamulkooda dowladda ku heysay.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka furmo halkaas, isla markaana looga hadi doono khilaafka iyo muranka ka taagan qabsoomida doorashada.