James Swan iyo wafti hogaaminaayo Kismaayo soo gaadhay

851

Madaxwayne ku-xigeenka DG Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa
maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeelgaarka ah ee Jubbaland kusoo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Waxaa sidookale madaxweynaha soo dhaweynta kuwehliyay qaar kamid ah labada gole ee Dowladda Jubbaland iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan.

Wafdigaan oo kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda dowladda Jubbaland ayaa waxaa safarkoodu uu daaran yahay Arrimaha Doorashooyinka, Ammaanka iyo Siyaasadda.