Saciid Deni Oo Hindise-Sharciyeed Cusub U Gudbiyay Baarlamaanka Puntland

803

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 24-aad kal-fadhigiisa 47-aad, kadib markii ay lasoo laabteen Fasax kooban.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxa  ka qeyb galay kulankaas inta badan Xildhibaanada Puntland.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo u Xildhibaanada u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni

 

Puntland ayaa waxaa xilligaan ka hirgalay nidaamka Xisbiyada, waxaana mas’uuliyiinta Maamulkaas ay sheegeen in qorshahooda uu yahay in doorashada Madaxtinimada ay noqoto mid ay dadweynaha codeeyaan ee ah qof iyo Cod.