Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Bakool

663

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd halkaas diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka geysteen.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isla markaana waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday duqeynta goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan  Kooxda Al-shabaab.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ay ku jiraan saraakiil oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay duqeyntaas, in kastoo aan weli khasaaraha ka dhashay laga helin faahfaahino rasmi ah.