
Xeer Ilaaliyaha Jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa waxaa uu Kormeer ku tagay saldhigyada ciidanka Booliska ee degmada Kismaayo,waxaana socdaalka ku waheliyey taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geele.
Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa kormeerka ku tagay saldhigyada ku yaala Xaafada dalxiiska,iyo Rugta booliska xaafada Midnimo oo ay degan yihiin dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay kormeerkaan ugu kuur galayeen dacwadaha imaanaya saldhigyada booliska degmada Kismaayo iyo waqtiga ay ciidanka booliska ku soo gudbiyaan xeer ilaalinta dadka gala faldanbiyeedyada eek u xidhan rugaha booliska.
Markii uu soo dhamaaday Kormeerka ayaa waxaa Warbaahinta lahadlay xeer ilaaliyaha Jubballand Maxamed Sheikh Cusmaan waxaana uu sheegay in ciidanka booliska ay adeeg fiican u hayaan bulshada.