
Shirkadaha Biyaha ee magaalada Kismaayo Jubba iyo Caafi ayaa Goobo biyaha laga helli karo ka hirgaliyey Xaafada Midnimo ee magaalada Kismaayo oo ku nool yihiin dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo dad kale oo dan-yar ah.
Dadka ku nool xaafadan oo ka yara baxsan magaalada Kismaayo ayaa caaga 20 litter biyaha ku helli jiray lacag dhan SOM SH 7000 halka hadda 20litter ee biyaha lacag dhan SOM SH 2000.
Dahabo Cabdullaahi waxaa ay ka mid tahay qoysaska degan xaafada Midnimo ee magaalada Kismaayo waxaa ay sheegtay in hadda ay helleen isbadal dhinaca biyaha oo todobadii kun ee ay ku helli jireen hal jirikaan ay hadda ku hellaan sadex jirikaan oo biyaha.
Tartanka dhinaca ganacsiga ee u dhaxeeya shirkadaha biyaha ee magaalada Kismaayo ayaa suurta galiyey xaafadan oo ay ku nool yihiin qoysas badan oo dan-yar ah in ay hellaan biyo ka qiimo jaban kuwii hore ee looga keeni jiray ceelasha biyaha eek u yaala xaafada Buula-Abliko ee magaalada Kismaayo.
Deeq Aadan Cali oo ka mida dadka degan xaafada ayaa sharaxa isbadalka dhinaca biyaha ee xaafada ka jira.
Gudoomiyaha xaafada Midnimo ee magaalada Kismaayo kaliil Cukaashe Gaabow ayaa sheegay in mid ka mida shirkadaha ay ku soo hormartay hirgalinta hanaanka biyo galinta xaafada taasina ay keentay in shirkada kale iyagana xaafada ka samaysataan goobo laga hello biyaha.
Kaliil Cukaashe Gaabow ayaa sidoo kale ka sheekeeyey caqabadihii dadka xaafada ku nool ka haystay dhinaca biyaha .