Wasaarada maaliyada dowlad gobaleedka jubbaland ayaa xustay maalinta Furdooyinka aduunka oo ku beegan 26 janaayo

753

Xuska maalintan waxaa ka soo qayb galay Xubnaha kala duwan ee wasaaradaha Jubbaland , sida w.ganacsiga ,gaadiidka ,Ganacsatada  iyo ururada bulshada .

Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga jubbaland ayaanle xusseen oo ka Hadlay madasha xuska ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya afka ganacsatada jubbaland in uu boogaadinayo dhabar adeegooda iyo shaqooyinka ay bulshada uhayaan shaqalaha furdooyinka jubbaland ka shaqeeya isagoona sheegay inay ka wasaarad ahaan ay si wanaagsan ula sii shaqayn doonaan .

Sidookale agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka  jubbaland Saacid Cabdullahi macalin maxamed ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay maalinan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada jubbaland sulaymaan maxamed Maxamud oo daahfurey munaasabada ayaa ka hadlay waxaa looga gol leeyahay Xuska maalintan

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay meelaha daqliga uu kasoo galo Jubbaland  iyo Sidoo kale waxyaabaha jubbaland ay ka dhoofiso dekada kismaayo iyo Waxyaabaha ka soo daga .

 

Hal ku dhiga xuska maanta ee furdooyinka jubbaland ayuu wasiir sulaymaan SHeegay inuu yahay fudadeenta dhaqan galinta wax soo saarka iyo horumarinta daqliga jubbaland iyo ka hor taga saf marka karonaha .

Wasaarada maaliyada jubbaland ayaa xuskan maalinka furdooyinka aduunka waxaa ay ahayd markii ogu horeysay oo ay xusto bur burkii ka dib maadaama waaxda furdooyinka la dhamays tiray sanadkan